Messi oo Ku Guuleystay Gool Dhaliyaha Horyaalka La Ligaha Dalka Spain

0
781

Kismayo(Waamo Radio) Xidiga Barcelona ee Messi ayaa ku guuleystay abaal marinta gool dhaliyaha horyaalka Spain xilli kulankii ugu dambeeyay La Ligaha ee ay Eibar la ciyaareen uu dhaliyay laba gool xilli kulankaas uu ku dhamaaday min laba gool.

Messi ayaa ku soo afjaray horyaalka 36 gool oo ka dhigtay in markii 6-aad taariikhdiisa uu ku guuleysto gool dhaliyaha La Ligaha .

Barcelona ayaa horyaalka xaqiijisatay maalmo ka hor waxa ayna Messi u tahay markii 10-aad ee uu Barca la qaadayo horyaalka Spain.

Booska labaad ee gool dhalinta La Ligaha waxaa galay Suarez iyo Benzema oo ku dhameystay 21 gool halka sedexaad uu galay Aspas oo Celta Vigo ah kaasi oo dhaliyay 20 gool

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here