Kismaayo(Idaacada Waamo)Wasaaradda Dhalinyarada Iyo Cayaaraha Dowlad -Goboledka Jubbaland ayaa mudooyinkii dambe waday Dadaalo kala duwan oo lagu midaynayo Xarumaha dhalinyaradu ay wax ku bartaan iyo kuwa ay ku kulmaan .
Agaasimaha Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Jubbaland iyo masuuliyiin kale oo Wasaaradda ka tirsan ayaa kormeray mid kamid ah xarumaha ay dhalinyaradu ku bartaan Farsamada Gacanta oo ku taala xaafada midnimo Ee Magaalada Kismaayo
Kormeerka ayaa ahaa mid lagu qimaynayay Habka ay u shaqaayso Xaruntu iyo sida ay Dhalinyaradu uga faaidaystaan .
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintan inooga diyaarisay.