Mas’uuliyiinta Wasaaradda dhalinyarada Jubbaland oo kormeeray xarunta dugsiga farsamad gacanta Xaafadda Midnimo.

0
325

Kismaayo(Idaacada Waamo)Wasaaradda Dhalinyarada Iyo Cayaaraha  Dowlad -Goboledka Jubbaland ayaa mudooyinkii dambe waday Dadaalo kala duwan  oo lagu midaynayo Xarumaha dhalinyaradu ay wax ku bartaan  iyo kuwa ay ku kulmaan .

Agaasimaha Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Jubbaland iyo masuuliyiin  kale oo Wasaaradda ka tirsan ayaa kormeray  mid kamid ah xarumaha ay dhalinyaradu ku bartaan  Farsamada Gacanta oo ku taala  xaafada midnimo Ee Magaalada Kismaayo
Kormeerka ayaa ahaa mid lagu qimaynayay Habka ay u shaqaayso Xaruntu iyo sida ay Dhalinyaradu uga faaidaystaan .

Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here