Manchester United Oo Heshiis Cusub Ku Abaalmarisay Xidiga Mason Greenwood.

0
475

Kismaayo (Waamo Radio) Kooxda Manchester United ayaa Qandaraas Cusub oo Muddo Dheer ah Ka Saxiixday Da’ yarka Weerarka ee u Soo Baxay Mason Greenwood.

Xiddiga aadka Loo Qiimeeyo ee 18 Jirka ah ayaa Qalinka Ku Duugay Heshiis uu Garoonka Old Trafford Ku Joogayo ilaa iyo Bisha Juun 2023 isagoo Qiyaar Loo Siiyay inuu Sanad Kale Ku Darsan Karo.

Weeraryahanka ayaa Noqday Xiddigii ugu Da’da yaraa ee Kusoo Bilowda Kulan Premier League Taariikhda Kooxda Kulankii ay Kooxdiisa La Ciyaareen Cardiff City Xilli Ciyaareedkii La Soo Dhaafay, Waxaana uu Fursad Ka Helayaa Tababare Ole Gunnar Solskjaer Xilli Ciyaareedkan.

Tababare Solskjaer ayaa Kooxda Koowaad usoo Dalacsiiyey 12 Xiddig oo akadeemiga Kasoo Qalin Jabisay oo Hormuud uyahay Xidigan Mason Greenwood Kooxda ay Heshiiska ku abaalmarisay Xilli Ciyaareedkan ayaa Si Weyn u amaanay Greenwood isagoo u Saadaaliyay inuu Noqon Doono Xiddiga Mustaqbalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here