Man United Oo Boorka Ka Jafatay Rikoor Xun Oo Ay Ka Dhigtay 29 Sano Ka Hor

0
449

Kismaayo (Waamo Radio) Kooxda Man United ayaa bar-baro niyad jab leh kula gashay Arsenal garoonkeeda kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kana tirsanaa todobaadkii 7-aad ee horyaalka.

Gool uu United u dhaliyay xiddiga Scott McTominay daqiiqadii 45-aad ee qaybtii hore ayaa Man United kaga filnaan wayday in ay 3-da dhibcood ku reebtaan garoonkeeda.

Kadib bar-barahaas kooxda Man United ayaa boodhka ka jaftay rikoodh aad u xun oo ay premier League ka dhigtay 29 sano ka hor.

Kooxda Man United ayaa  9 dhibcood ka heshay 7-dii kulan ee ay ciyaartay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan kadib markii ay 2 kulan badisay 3 kalena bar-baro gashay

Taas ayaa la macno ah in ay Man United horyaalka premier League ku bilaabatay sidii ugu xumayd iyada oo ka heshay dhibcihii ugu yaraa 7-dii kulan ee ugu horeeyay tan ilaa xilli ciyaareedkii 1989/1990 markaas oo ay 7 dhibcood ka heleen 7-dii kulan ee ugu horeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here