Man United Oo Bar-Baro La Gashay Az Alkmaar Xilli Uu De Gea Noqday Xidiga Garoonka 

0
366

Kismaayo (Waamo Radio) Kooxda Man United ayaa bar-baro Kala Soo Laabatay Dalka Holland Kadib Markii ay bar-baro La Dhaafi wayday Kooxda AZ Alkmaar Kulan oo Barbaro Gool La aan ah Kusoo Dhammaaday

Tababare Soslkjaer ayaa Xiddigo Da,yar u badna ku bilaabay shaxda kooxdiisa isaga oo kaydka dhigay xiddigaha waaweyn ee uu ku soo daray Liiska kulanka.

Kooxda AZ Alkmaar ayaa ka halis badnayd kooxda Man United kuwaas oo ku dhibaatooday in ay xitaa kubad ku laadaan goolka kooxda ay martida u ahaayeen.

Goolhaye De Gea aya Sameeyay Badbaadino Cajiib ah Isaga oo Man United Ka Hor istaagay ugu yaraan Guuldaro aysan La Kulmin isaga oo Noqday Xiddiga Garoonka.

Kooxda Man United oo Xiddigo Da,yar ah Ku Ciyaaraysay ayaa u Muuqatay Kuwo aan Guulba Doonayn Marka Loo eego Qaab Ciyaareedkooda.

Waxa ugu Dambayn Barbaro Gool La,aan ah Ku Dhamaatay Ciyaarta oo ay Labada Kooxood Wax goolal ah kala dhalin iyada oo Man United mar kale bar-baraysay waliba guul gaadhi wayday kulan ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here