Man City Oo Noqotay Kooxdii 9-aad Ee Laba Final Oo Maxali Ah Ah Gaadhay Xilli Ciyaareed Kaliya Iyo Cidda Kaga H

0
403

Kismaayo(Waamo Radio) Kooxda Man City ayaa iska xaadirisay Finalka tartanka FA Cup-ka kadib markii ay dirqi uga badisay kooxda Brighton kulan ka dhacay garoonka Wembley kana tirsanaa Semi-finalka FA Cup-ka.

Goolka kaliya ee ay City ku gaadhay Finalka ayuu u dhaliyay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Gabriel Jesus kaas oo uu dhaliyay daqiiqadii 4-aad ee qabtii hore ee ciyaarta.

Guushaas ayaa Man City ka caawisay in ay iska xaadiriso finalkii 2-aad xilli ciyaareedkan kadib markii ay horay ugu guulaystay tartanka Carabao cup-ka oo ay ka qaaday kooxda chelsea.

Taas ayaa la macno ah in ay Man City noqotay kooxdii 9-aad oo iska xaadirisa laba Final oo maxali ah xilli ciyaareed gudihiis iyada oo martay wadada ay kooxo badan oo premier League ah mareen.

Rikoodhkaas ayay Man City kaga horeeyeen kooxaha Man Utd, Arsenal, Chelsea, Everton, LiverpoolMiddlesbrough, Sheffield Wednesday & Tottenham kuwaas oo Final labada koob ee Maxaliga ah wada gaadhay xilli ciyaareed kaliya.

Waxa intaas sii dheer in Pep Guardiola noqday tababarihii ugu horeeyay ee laba Final oo Maxali ah gaadhay xilli ciyaareed kaliya tan ilaa Kenny Dalglish kaas oo Liverpool geeyay Finalka FA Cup-ka iyo League Cup-ka xilli ciyaareedkii 2011/2012

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here