Kismaayo(Waamo Radio)Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa mudooyinkii u danbeeyay waday hormarin iyo dayac tir lagu sameynayo Dakadda magaalada Kismaayo.Kuwasi Oo Ay Kuhoos Burbureen Marakiib Dagaal Oo Ay Mudo Kujireen Biyaha Bada
Sida uu sheegay Maareeyaha Dakadda Kismayo Axmed Xaaji waxaa la soo gabogabeeyay wajiga koobaad ee dayac tirka Dakadda waxaana la soo saaray labo markab oo horey ugu dagay gudaha Dakadda.
Tani waxay ka mid tahay dadaalada ay Dowlad Goboleedka Jubbaland ku doonayso sidii Ay u hormarin laheed kaabayaasha dhaqaalaha.
Waxaa warbixintaan inoo soo jeedinaya:-Iidle Aadan Mohamed.