Magalaada Kismaayo oo laga Dareemayo Koboc Ganacsi

0
828

Kismaayo(waamo Radio)Soomaaliya Waxa ay Caan ku Tahay Khayraadka Dahan Bad iyo Barriba Hadaba Sanadihii ugu Dambeeyay Waxaa dalkeena kahana Qaaday Nidaam Dowladeed Burburkii Dowladii dhexe kadib Kama Jirin Dhoofinta iyo iib Gaynta Khayraadka Dalkeena Balse Hadda waxaa  Dalka ka Jira Ganacsiyo kala Duwan Kuwaas oo ah Dhoofinta Waxyaabaha uu Qaniga ku yahay Dalkeenu iyo Waliba Lasoo Dagida adeegyada ay u Baahantahay Bulshada Soomaaliyeed

Hadaba Deegaanada Jubbaland waxaa ay kamid tahay Deegaanada Qaniga ku ah Khayraadka Dahan Sida Xoolaha Nool, Dhul Beereed ,iyo Waliba Khayraadka Badda ,Sanadihii ugu Dambeeyay waxaa ka jiray Nabad Galyo iyo Nidaam Dowladeed Waxaana sidoo kale ka Jira Dhaq Dhaqaaq Ganacsi Waxayna Ka Turjumaysaa Nabada iyo Dowlad Nimada ka Hana Qaaaday Dalkeena Guud ahaan Gaar ahaan Deegaanada Jubbaland  ,Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Bilowday Qaadista Canshuuraha Si loogu Qabto Danaha Guud ee Bulshadu Baahida badan u Qabto Sida Caafimaadka ,Waxbarashada,Biyaha ,iyo Waliba Jidadka ,

Qaar ka mid ah Dhalinyarada iyo Bulashada ku Dhaqan Magaalada Kismaayo oo ay ka mid yihiin dhalinyaro Dalka Dibadiisa kasoo laabtay ayaa waxa ay  ka Ganacsadaan Waxyaabo kala Duwan Waxa ayna sheegeen  in ay Faa’iido badan ku qabaan Ganacsiga Taasna ay sabab u tahay Ammaanka iyo kala Dambaynta ka Jirta Magaalada Kismaayo Waxa ayna sheegeen in ay Diyaaar u yihiin sidii ay sare ugu Qaadi lahaayeen Ganacsigood

Wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland Cabdinuur Cali aadan oo Waamo Radio waraysi siiyay ayaa sheegay in Canshuurta oo laqaado ay keenayso Dowladnimada Cabasha kasta oo ka Timaada Ganacsatana ay  Diyaar u yihiin in ay Xalliyaan  Sidoo kale waxa uu sheegay in ay Billaabi Doonaan Dhoofinta kalluunka iyo Waxyaaba kasoo Baxa Dalkeena

Maxaa looga Baahan yahay Shakhsigu Marka uu Billaabayo Fikrad Ganacsi Sideedse ku Samayn kartaa Dhaqaale adoo kaa shanaya Maankaaga Waakan Cabdi samad Garoon oo ah Aqoonyahan  Bartay Cilmiga Dhaqaalaha

Dadka Soomaalida ayaa Marka la Barbardhigo Bulshooyinka Caalamka waxaa lagu Tiriyaa Dad ku Wanaagsan Ganacsiga.

waxa warbixintaan inoo haaya Shukri Aadan Sayid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here