Madaxweynaha Jubbaland oo warbixin ka dhageystay wasaarada deegaanka iyo dalxiiska Jubbaland.

0
502

Kismaayo(Idaacada Waamo)Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan isla Xisaabtan ah la yeeshay Masuuliyiinta Wasaarada Deegaanka iyo Dalxiiska Jubbaland.

Kulankan oo ahaa sidii loo dardar galin lahaa shaqada Wasaarada ayaa Madaxweynahu wuxuu warbixin kaga dhagaystay laamaha kala duwan ee Wasaarada iyadoo Wasaaradu ay sheegtay in wax badan laga qabtay sidii looga hortagi lahaa waxyaabaha wax u dhimaya deegaanka gaar ahaan deegaamaynta sharci darada ah iyo jarista dhirta.

Ugu horeyn ku simaha agaasimaha wasaarada deegaanka iyo dalxiiska Jubbaland,mudane Maxamed Cabdi Cabdullahi Shariifka ayaa sharaxay waxyaabaha u hirgalay wasaarada sanadka ina dhaafay iyo qorshaha hiigsiga 2020,ka ee wasaarada.

Wasiirka wasaarada deegaanka iyo dalxiiska Jubbaland Ceydiid Suleymaan Xaashi oo dhankiisa ka hadlay kullanka ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii loo soo celin lahaa ilihii dalxiiska,iyo baxnaaninta deegaanka.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa dhankiisa sheegay in Jubbaland ay lahaan jirtay Ilo dalxiis,islamarkaasina loo baahanyahay in wasaaradu shaqo badan ka qabato,Ilaalinta deegaanka

Cabdiraxiim Deeq Muuse ayaa warbixintan inooga diyaariyay

R/W,Kismaayo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here