Baarlaamka Federaalka ah ee Soomaaliya oo ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2020

0
390

Muqdisho(Idaacada Waamo)Xildhibaanada Labadda Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta cod ku  ansixiyay miisaaniyadda dowladda 2020.

188 Xildhibaan ayaa ogolaaday, 1 Xildhibaan ka aamusay,  2 Mudane ayaa diiday ansixinta miisaaniyadda dowladda 2020.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Miisaaniyadda dowladda ay ansax tahay, islamarkaana waxaa uu u mahadceliyay Xildhibaanada labadda Aqal.

Miisaaniyadda sanakda 2020 ayaa gaaraysa $459.5 Milyan,waxayna ka kooban tahay dakhliga gudaha iyo deeqaha dibadda ka imaanaya ee lagu kabayo Miisaaniyadda dowladda Federaalka.

Xildhibaannada labada ayaa maalmihii la soo dhaafay su’aalo ka weydiinayay miisaaniyadda Wasiirka Maaliyadda, waxaana su’aalaha ay u badnaayeen sida loo isticmaalayo iyo qarashaadka loo qoondeeyay hay’adaha dowladda, iyadoo ay xusid mudan tahay in mushaarka ciidamada la kordhiyay, lana gaarsiiyay illaa $200 bil walba.

R/W,Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here