Liverpool Ayaa Guul Ka Gaartay Chelsea, Xilli Guushaas Looga Mahadcelinayo , Mane Iyo Salah .

0
504

Kismaayo(Waamo Radio) Kulan Xiiso badan ayaa Dhex maray Labada Kooxood ee Kala ah Liverpool iyo Chalsea Xili Labada Kooxood Mid Walba Ay Niyada Ku Heysay Iney Guul Gaarto

Kulanka Labada Kooxood ee Liverpool iyo Chelsea ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac Garbo Siman oo bilaa goolal ah xilli labada koox ay wada ciyaarayeen kullan ka tirsanaa wareegga 34-aad ee horyaalka Ingiriiska .

Liverpool Oo Qeybtii Hore Heshay Fursado Goolal Lagu Dhalin Karey Iyada oo ay iska Qasaariyeen, Kooxda Klopp ayaa ciyaareysay kubad deg degsiimo leh oo weerar ah waxaana dadaal gooni ah waday Salah halka Chelsea ay ciyaarayeen kubad daafac adag waliba kubadaha rogaal celiska ah ayay ku tiirsanaayeen .

Liverpool ayaa kubadda ku badneyd balse halis gilin weyn ma jirrin halka Chelsea isku dayo wadeen oo Hazard ayaa dhaq dhaqaaqayay basle si sax ah uma aysan tageyn goosha Liverpool .

Chelsea waxa ay Liverpool ku dilayeen kubadaha rogaal celiska ah waxa ayna kubada haysashada Liverpool ee qeybtaas hore gaartay %63 xilli Chelsea daqiiqaddii 40-aad dhaawac looga saaray Rudiger waxaana lagu badalay Christensen .

Soo laabashadii , Liverpool waxa ay ciyaarta ku bilaabeen qaab deg deg ah oo cadaadis leh waxa ayna durba keeneen gool ka dib kubad ay isu dhiidhiibeen Salah iyo Firminho oo ugu dambeyn u qajafeeyay Mane kaasi oo madaxa ku dhaliyay daqiiqaddii 51-aad .

Xilli weli dabaal degga ay ku jireen taageerayaasha Liverpool ayay kooxda Klopp heshay gool labaad , ka dib kubad laga soo qajafeeyay qeybta dambe ayaa waxaa helay Salah kaasi oo qiyaanay daafaca Chelsea oo banaanka ayuu ka toogtay goosha waxa uuna goolkaas yimid daqiiqaddii 53-aad .

Chelsea laba fursad xaqiiq ah ayay heleen oo uu Hazard sameeyay mid birta ayay kaga dhacday midna goolhayaha ayaa ka bad baadiyay waxa ayna aheyd daqiiqadii 60-aad ,waxa uuna tababare Sarri sameeyay badal labaad isaga oo soo giliyay Gonzalo Higuain oo loo badalay Callum Hudson .

Salah . kulankaan waa uu kacsanaa waxa uuna dagaal ugu jiray gool labaad xilli goolahaye Kepa uu hor taagnaa waxa ayna qeybihii dambe ciyaarta aheyd mid deg degsiimo leh .

Chelsea dhamaadkii waxa ay isku dayayeen in ay dhibaato giliyeen kooxda Klopp waliba kubadda iyaga aya ku abdnaa balse dhameytirska ayaa ka maqnaa .

Qeybhii geerida ee dhamaadka ciyaarata ma jirrin  wax ay sameynayeen Chelsea iyaga ayaana la cadaadinayay , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay labadaas gool ee ay Liverpool ku badiyeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here