Lionel Messi oo sabab u noqonaya inay toddobo xiddig isaga tagaan naadiga Paris Saint-Germain

0
313

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa lagu soo warramayaa inay iska iibineyso toddobo ka mid ah kooxdeeda koowaad suuqa bisha January ee soo aaddan waxaana ku jira xiddigo ay ka mid yihiin Sergio Rico, Rafinha iyo Mauro Icardi.

PSG ayaa suuqii xagaaga wacdaro la yaab leh ka dhigtay kaddib markii ay gacanta kusoo dhigtay shan xiddig oo suuqa kala iibsiga aad looga doonayay kuwaasoo kala ah Lionel Messi, Sergio Ramos, Gianluigi Donnarumma Georginio Wijnaldum iyo Achraf Hakimi.

Taasi ayaa sababtay inay miisaaniyadda mushaharaadka kooxda reer France ay gaarto 300 milyan oo euro waxaana 41 milyan oo ka mid ah lacagtaas ay ku dhacdaa jeebka Messi.

Lacagahaan tirada badan ee kabtankii hore ee Barcelona ka qaato Parc des Princess ayaa keenay inay PSG fasaxdo suuqa soo aaddan illaa iyo toddobo ciyaaryahan si ay u dhinto mushaharaadka ay bixiso sida laga soo xigtay wargeyska Mirror.

Si kastaba ha ahaatee, Goolhaye Rico, Rafinho iyo Icardi ayaa ah magacyada ugu waaweyn ee albaabka la tusi doono, waxaana soo raaca Colin Dagba, Layvin Kurzawa, Abdou Diallo iyo Eric Junior Dina Ebimbe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here