Kooxda Napoli oo Shaqadii Ka Joojisay Tababaraheeda Carlo Ancelotti

0
471

Kismaayo(Idaacada Waamo) Kooxda Reer Italy ee SSC Napoli ayaa Shaaca Ka Qaaday in Shaqaddii Ka Joojiyeen Macalin Carlo Ancelotti Kadib Markii uu Xalay Kooxdaasi Gaarsiiyey Wareegga 16-aad ee Champion-ka.

Napoli ayaa Xalay afar Gool oo Nadiif ah Ku Garaacday Kooxda Genk oo ay Wada Ciyaareen Wareegga ugu Dameeya ee Marxaladda Group-ka Champion-ka

Image

Inkastoo uu Badiyay Hadana Napoli Xilli Ciyaareedkaan Natiijo Xumo ayay Soo Bandhigeen Dhanka Horyaalka Waxaa ayna Ku Jiraan Booska 7-aad ee Kala Sareynta Horyaalka Seero A Dalka Talyaaniga.

Waxa ay Maamulka Napoli Go`aansadeen in ay Shaqada Ka Joojiyaan Macalin Ancelotti” ayaa Lagu yiri Qoraal ay Soo Dhigeen Bartooda Twitter-ka “Weli Xariir Saaxibtinimo iyo ixtiraamka waa inoo Dhaxeeynayaa Macalin Ancelloti” ayaa Loo Sii Raaciyay Qoraalkaas

Napoli ayaa Kusoo Baxday Booska Labaad ee Group-keeda iyaga oo Leh 12 Dhibic Waxa ayna Ku Xigaan Kooxda Liverpool oo leh 13 dhibic Ayna Isku Group yihiin .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here