Kooxda Chelsea Oo Go’aan Ka Gaartay Mustaqbalka N’Golo Kante 

0
468

Kismaayo (Waamo Radio) Xiddiga Khadka Dhexe Xulka Qaranka Franca Iyo Kooxda Chelsea ee N’Golo Kante ayaa Dagaal Dhex Dhigay Labada Kooxood ee Juventus & Real Madrid Kuwaas oo Doonaya adeegiisa Marka uu Dib u Furmo Suuqa Kala iibsiga Xagaagan.

Tababare Mauirizio Sarri oo Kante Kula Soo Shaqeeyay Kooxda Chalsea Muddo Hal Xilli Ciyaareed ah Sarri  ayaa Xiddiga u arka Mid Wax badan Ku Soo Kordhin Kara Kooxdiisa Juventus .

Si La Mid ah Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zidane ayaa Taageero Weyn u ah Xiddigan ay isku Dalka yihiin Sidoo Kale 26 jirkan u Doonaya in uu La Tartamsiiyo Xiddiga reer Brazil ee Casemiro.

Laakiin Wargayska Calcio Mercato ayaa sheegay in ayna Kooxda Chelsea iibin Doonin Xiddiga Khadka Dhexe ee Reer France.

Sababta ay Chelsea u Diidantahay ayaa lagu Sheegay in ay Ka Dambayso Rabitaanka Tababare Reer England ee Frank Lampard oo aan Doonayn in uu iska Fasaxo Xiddiga reer France.

Lampard ayaa Kante u arka Xiddiga ugu Muhiimsan Qorshihiisa Kadib Qaab Ciyaareedkii Cajiibka ahaa ee uu Soo Bandhigay Xiddigu ilaa Haatan Xilli Ciyaareedkan inkasta oo ay Dhaawacyo Dhibeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here