Kooxaha Qarka U Saaran Inay Usoo Baxaan Wareega 16-ka Ee Champions League

0
409

Kismaayo (Waamo Radio) Waxaa Habeenada Talaadada Iyo Arbacada La Ciyaari Doonaa Kulamadii 4-aad ee Wareega Group-yada Tartanka yurub Champions League Xilli Ciyaareedkan iyada oo ay Kooxaha Udagaalami Doonaan u soo Bixista Wakhti Hore oo Tartanka ah.

Saddexdii Kulan ee La Ciyaaray Wareega Group-yada ayay Ka Dheceen Natiijooyin Lama Filaan ah oo oo Ku Dhacday Kooxaha Waaweyn ee Ka Qaadanaya Tartanka Champions League.

Dhanka Kale Waxaa Jirta Kooxo Si Fiican Ku Bilowday Tartanka Kuwaas oo Haatanba Hal Kulan oo Kaliya Ujira in ay iska Xaadiriyaan Wareega Xiga ee Tartanka Champions League.

Waxaa Jira Dhowr Kooxood oo Hadaba iska Xaadiriyay Wareega Xiga ee Tartanka Champions League Xilli ay 4 Ka Mid ah Kooxahaas Kaliya u Baahan yihiin Hal Dhibic oo ay ka Helaan Kulanka 4-aad ee Wareega Group-yada.

Hadabo Waa Kuwaan Kooxaha aadka ugu Dhaw in ay iska Xaadiriyaan Wareega Xiga. 

PSG, Bayern Munich, Man City:– Kooxahan ayaa Dhammaan Wada Badiyay 3-dii Kulan ee ay Ciyaareen Tartanka Champions League Waxana ay u Baahanyihiin Kaliya in ay Hal dhibic Ka Helaan Kulanka ay Ciyaari Doonaan Bartamaha Todobaadkan.

Atletico Madrid, Napoli:-Labadan Kooxood ayaa Dhankooda Si Weyn Fursad ugu Haysta in ay iska Xaadiriyaan Wareega Xiga ee Tartanka Champions League

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here