Jordan Henderson Oo Dhaliyay Goolkiisii Ugu Horaysay Ee Premeir League Ah Sanad

0
439

Kismaayo(Waamo Radio) Kooxda Liverpool ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Southampton kulan ka tirsanaa horyaalka premier League todobaadkiisii 33-aad kulan ay guul wakhti dambe ah gaadheen.

Goolal ay dhaliyeen Naby Keita, Mohamed Salah iyo Jordan Henderson ayaa Liverpool ka caawiyay in ay gaadhaan guul qiimo leh oo u xero galisay saddex dhibcood oo muhiim ah.

Jordan Henderson ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee Liverpool muddo dheer kadib markii uu shabaqa soo taaban waayay oo uuna wax gool ah u dhalin kooxdiisa Liverpool premier League.

Henderson ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay tan ilaa bishii September ee sanadkii 2017 taas oo la macno ah in uuna wax gool ah oo premier League ah u dhalin Liverpool muddo sanad iyo badh ah.

Kabtanka Liverpool ayaa ka soomanaa shabaqa premier League 65 kulan kaas oo uuna kooxdiisa wax gool ah u dhalin halka uu sidoo kale dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan.

Kooxdii ugu dambaysay ee uu Henderson gool ka dhaliyo ayaa ahayd kulan ay Liverpool 2/3 uga badisay kooxda Leicester City kaas oo dhacay 23 bishii September sanadkii 2017.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here