Isu Socodka Gaadiidka Laamiga Boosaaso iyo Gaalkacayo oo uu hakad ku yimid.

0
459

Boosaaso(Idaacada Waamo)Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo wareysi siiyay Warbaahinta, ayaa sheegay in ay hakiyeen isu’socodka gaadiidka laamiga dheer ee Boosaaso iyo Gaalkacyo, kadib markii ay go’day buundada Ciise Goxosh oo u dhexaysa tuulooyinka Kalabayr iyo Yalho ee gobolka Bari.

Taliyaha ayaa sheegay, in Buundada go’day ay ku taallo buur dhexdeed biya-mareen ah oo aan lahayn dhinac looga leexdo, sidaasi darteedn ay hakiyeen dhammaan isu’socodka gaadiidka isticmaala laamiga dheer ee xiriiriya gobollada Puntland, si looga hortago shilal halkaasi ka dhaca.

Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa sidoo kale sheegay in buundadaasi go’an la geeyay qalabkii iyo shaqaalihii dhismaha, islamarkaana ay ka bilaabatay hawsha dhismaha, oo sida injineeradu ku qiyaaseen socon doonta in ka badan 7-ba saacadood.

Dhinaca kale, Taliyaha ayaa sheegay in ay si ku meel gaar ah u raadinayan, meel kale oo ay mariyaan gaadiidka sida dadka xanuunsan, ee aan sugi Karin mudada hakadka la geliyay laamiga dheer.

R/W,Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here