Isku Aadka Wareega 4-aad Ee Carabao Cup-ka Oo La Soo Saaray

0
418

Kismaayo (Waamo Radio) Waxa si Rasmi ah Loo Soo Saaray isku aadka Wareega 4-aad ee Tartanka Carabao Cup-ka Kadib Markii La Ciyaaray Kulamadii Wareega 3-aad ee tartanka Labadii Maalmood ee La Soo Dhaafay.

Kooxaha Waaweyn ee Horyaalka Premier League Dalka England ayaa iska xaadiriyay Wareega Xiga Marka Laga reebo Kooxda Tottenham oo Si Lama Filaan ah Looga reebay tartanka Carabao Cup.

Man United ayaa iyaduna Dirqi uga Badbaaday Kooxda Rochdale oo Waqtigii Ciyaarta Loogu Talagalay Ku Dhamaatay 1-1 Kooxda Man Unted ayaa rikoorayaal Dirqi ah Ku Dhaafay Kooxda Rochdale Kuwaas oo ka yaabsaday Man United.

Waxa isku aaday kulamo waaweyn Sida Chelsea Marti Galin Doonto Man United Halka Liverpool ay Wajihi Doonto Kooxda  Arsenal

Hadaba Waa Kuwaan Isku Aadka Wareega 4-aad isugu aadmeen Tartanka Carabao Cup-ka:

Everton vs Watford

Aston Villa vs Wolves

Man City vs Southampton

Liverpool vs Arsenal

Oxford vs Sunderland

Chelsea vs Man United.

Burton vs Leicester

Crawley vs Colchester

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here