Hoos udhac Kuyimid Qiimaha Kaluunka Suuqyada Magalada Kismaayo.

0
541
Kismaayo(Waamo Radio)Suuqayada kaluunka Lagu iibiyo Ee magalada kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose waxaa Laga Dareemaya Hoos u dhac ku yimid Qiimaha lagu kala iibsado Kaluunka  Waxana Ganacsatada Oo Lahadlay Idacada Waamo Ay uSheegeen In Kiiladii Kaluunka Lakala iibsan Jiray  $4 Ilaa $5 Dolar  In ay  Hada mareeyso qiimaheedu  1.5$ Ilaa $2 Dollar
Qaar Kamid Ah Dadka Kaluunka iibsado Ayaa Iyaguna Lahadlay Idacada Waamo waxeyna Shegeen In Hoos Udhaca Kuyimid Kaluunka Ay keentay  In Ay iibsadaan Kaluun Badan oo horay ay ugadan waayeen.
Xiliyada Ay Badweynta Dabeylaha Kajiraan Oo Ah Xiliga Badxiranka Looyaqan  Ayaa Waxaa Sare Ukaca Qiimaha Kaluunka Suuqyada Magalada Kismaayo Waxana Uu Garaa Qiimo Sareeya.
Waxaa Warbixintaan inoo haaya,Iidle Aadan Maxamed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here