Haween  samaaystay Xarun Digaaga lagu xanaaneyo Taas ooy ka ganacsadaan

0
347

Kismaayo(Idaacada Waamo)Haweenka Oo ay Tiradoodu gaarayso 25  Ayaa ku midoobay xarun Digaaga lagu Xanaaneyo oo ku taala xaafada new Kismaayo  oo ay daganyihiin Dadkii kasoo labtay Xeryaha qoxootiga Dadaab Ee Dalka Kenya  Iyo dadka barakacayaasha ah ee dib Udajinta loo sameeyay.
Dumarkaan ayaa isku xilqaamay xanaanaaynta iyo ka ganacsiga digaaga maadaam inta Badan Hilibka digaaga ee dalka laga isticmalo  laga keeno wadamo kale .

Xanaanaynta iyo ka ganacsiga digaaga ayaa waxaa haweenkan ka Caawisay Haya,ada SWSO .
Waakuwaan qaar kamih ah dumarkii layimid fikirka ah in ay ka ganacsadaan digaaga oo ka hadlaya qaabka  ay xarutaan ku hirgaliyeen .

Waxaa jira dad badan oo si iskooda ah isugu xilqaama in ay layimaadan figrado hal Abuur Shaqo  oo dhaxal gal ah.

R/W,Xamdi Maxamed Yaasiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here