Gerard Pique Oo Isku Qoray Taariikhda Barcelona,

0
481

Kismaayo(Idaacada Waamo) Daafaca Xulka Qaranka Spain Iyo  Kooxda Barcelona ee Gerard Pique ayaa isku Qoray Taariikhda Kooxda Barcelona Kulankii Champions League ee ay Kooxdiisu Bar-baraha La Gashay Kooxda Slavia Prague.

Xiddiga Reer Spain ee Gerard Pique ayaa Kusoo Bilowday Shaxda Barcelona Kulankii Xalay Kulankaas oo ka Caawisay in uu isku Qoro Taariikhda Kooxda Barcelona ee Tartanka Champions League.

Gerard Pique Ayaa Noqday Xiddiga 5-aad ee ugu Safashada Badan Barcelona Tartanka Champions League isaga oo Ku Biiray Halyeeyo Badan oo Kooxda Barcelona ah.

Kulankii Xalay ayaa ahaa Kulankiisii 111-aad ee uu Gerard Pique U Ciyaaray Kooxda Barcelona Tartanka ugu Weyn yurub ee Champions League.

Pique ayaa Ka Dambeeya Xiddigaha Xavi, Messi, Iniesta & Puyol Kuwaas oo ah Xiddigaha ugu Safashada Badan Champions League Kooxda Reer Spain ee Barcelona.Image

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here