Garoomada yaryar ee lagu dheelo kubada cagta oo ku soo badanaya magaalada Kismaay

0
384
Kismaayo(Waamo Radio)Xiliyada habeenki ayaa dhalinyarada xiiseyso kubada cagta waxaa lagu arkaa garoomada yaryar ee lagu ciyaaro kubada ee loo yaqaano salaxyada,waxaana dhakinyaradan ay isugu jiraan kuwa u daawasho taga iyo kuwa ciyaara kubada.

Xili aan booqanay garoonka Dhuux ee xaafada Farjano magaalada Kismaayo,ayaa waxaan kula kulanay dhalinyaro isku diyaarineysay ciyaar,waxayna inoo sheegeen ay farxad u tahay in ay helaan garoomo ay ku dheelaan xili kasta,islamarkaasina ay yaraan doonto dhalinyarada tahriibka aado oo ay ku mashquuli doonaan.
Gasrooraha garoonka Maxamed Cabdullahi SLA ayaa dhankiisa baaq u diray dhalinyarada jecel ciyaaraha.
Waxaa warbixintaan inoo soo jeedinaya:-Cabdiraxiin Deeq Muuse.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here