FIFA Oo Soo Saartay Shaxda Ugu Fiican Adduunka Sannadka Ee FIFPro World XI

0
410

Kismaayo (Waamo Radio) Xidhiidhka Kubada Cagta adduunka ee FIFA ayaa si Rasmi ah u soo Saaray Shaxda ugu Fiican adduunka Sannadka ee FIFPro World XI iyada oo Laga soo Xushay 55 Xiddig oo Ka Kala Socda Kooxaha reer yurub oo Dhan.

55 Ciyaaryahan Ayaa Laga Soo Xulay Shaxdan 11-kii xiddig Ka Kooban ee ugu Fiicnaa Dunida oo soo Bandhigay Qaab Ciyaareedka Cajiibka ah ee Kooxdoodaiyo Waliba Xulalkooda

kooxda Real Madrid ayaa Ah Kooxda Uga Badan Ciyaartooyda Waxayna Ku Leedahay 3 Xiddig Maadama Eden Hazard Loo Xisaabinayo Xiddig Chelsea ah abaalmarintan Dhanka Kale  Kooxda Liverpool oo Xilli Ciyaareedkii Hore Ku Guulaystay Champions League ayaa ku leh 2 xiddig  iyo Kooxda Ajax ayaa Dhankeeda ku Leh 2 xiddig

Halka kooxda Barcelona, Juventus iyo PSG ay ku Leedahay Min Hal Xiddig Shaxda ugu Fiican adduunka Sannadka ee FIFPro World XI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here