DEG-DEG: Kulamada Furitaanka Premier League Xilli Ciyaareedka 2024/2025 Oo La Soo Saaray

0
44

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Maamulka premier League ayaa soo saaray jadwalka horyaalka premier League xilli ciyaareedka 2024/2025.

Kooxaha premier League ayaa ogaaday kulamada furitaanka ee lagu furi doono xilli ciyaareedka cusub.

Man City ayaa difaacashada Premier League ku bilaaban doonta kulan ay la ciyaari doonto kooxda Chelsea kaas oo ah kulanka ugu xiisaha badan bilowga tartanka.

Dhinaca kale Arsenal ayaa la ciyaari doonta kooxda Wolves halka ay Man United la ciyaari doonto Fulham.

Kooxda Liverpool ayaa la ciyaari doonta kooxda Ipswich kuwaas oo u soo dalay horyaalka premier League

Halkan Kaga Bogo Kulamada Furitaanka premier League:

Man United Vs Fulham
Ipswich Vs Liverpool
Arsenal Vs Wolves
Everton Vs Brighton
Newcastle Vs Southampton
Nottingham Fores Vs Bournemouth
West Ham Vs Aston Villa

Brentford Vs Crystal palace
Chelsea Vs Man City
Leicester City Vs Tottenham.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here