Cristiano Ronaldo Oo Ka Mushahar Badan 5 Xiddig Horyaalka Serier A-da Joogta 

0
417

Kismaayo (Waamo Radio) Xiddiga Weerarka uga Ciyaara Kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo Ayaa ah Xiddiga Ugu Mushaharka badan Horyaalka Serie A-da Kadib Markii uu Juventus ku soo Biiray Xagaagii hore.

Cristiano Ronaldo ayaa Kooxda Juventus ka caawiyay in ay kooxda Noqoto Kooxda Loogu Iibsashada Badan yahay Maaliyada in ka badan intii ay Markii Hore iibin Jirtay Halka uu sidoo kale kor u qaaday Dhanka Daawashada Ciyaarta Kooxda iyo Tigidhada ay iibsnayaan Taageerayaashu.

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa kaligii ka mushahar badan 5 xiddig oo ka ciyaara horyaalka Serie A-da oo ay ka mid yihiin e Ligt, Lukaku, Godin, Donnarumma & Ribery.

Cristiano Ronaldo ayaa Sanadkii Kooxda Juventus uga Qaata lacag dhan 31 Milyan oo euro taas oo ka Dhigtay Xiddiga ugu Mushaharka badan Horyaalka Serie A-da.

Kooxda Kubada Cagta Juventus Waxay Noqotay  Kooxda Mushaarka Uga Badan Bixiso Horyaalka Seero A Ee Dalka Italia 

Wargayska Gazzetta Dello Sport ayaa kashifay Mushaharka ay Qaataan Xiddigaha ugu Mushaharka Badan Horyaalka Serie A-da Xilli uu CR7 Hogaaminayo Liiska.

10 Xidig Ugu Mushaarka badan Horyaalka  Seero A Waxay Juventus Ku Leedahay 7 Ciyaaryahan Hadabo Waa Kuwaan 10 Xidig ugu mushaharka badan Serie A-da

  1. Cristiano Ronaldo (Juventus) –> 31 million euros
  2. De Ligt (Juventus) –> 8 million euros
  3. Lukaku (Inter) –> 7.5 million euros
  4. Higuain (Juventus) –> 7.5 million euros
  5. Dybala (Juventus) –> 7.3 million euros
  6. Ramsey (Juventus) –> 7 million euros
  7. Rabiot (Juventus) –> 7 million euros
  8. Pjanic (Juventus) –> 6.5 million euros
  9. Donnarumma (Milan) –> 6 million euros
  10. Koulibaly (Napoli) –> 6 million euros

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here