Cristaino Ronaldo Oo Ka Hadlay Ka Reebistii Laga Reebay Liiska Xiddigaha Juventus Ee Galabta Kaga Hor Tagi Doona Atalanta

0
382

Kismaayo(Idaacada Waamo) Xidiga Xulka Qaranka Portugal Iyo Kooxda Juventus ayaa Ka Hadlay Ka Reebitaankii Laga Reebay Xidiga Galabta Kooxdiisu Kaga Hortageyso Kooxda Atlanta.

Tababarah Maurizio Sarri ayaa Ka Reebay Xiddiga ugu Muhiimsan Kooxdiisa ee Cristaino Ronaldo Liiska Xiddigaha uu Kaga Hor Imaan Doono Kooxda Atalanta Kulan Ka Tirsan Horyaalka Serie A-da Dalka Talyaaniga .

Cristiano Ronaldo ayaa Ka Hadlay Qalbigana u Dajiyay Taageerayaashiisa kooxda Xilli uu Kasoo Kabsanaayo Daalkii Kulamada Waajibaadka Xulka Qarankiisa Portugal.

Ronaldo ayaa bogiisa Twitter-ka ku soo qoray “Waxa aan diirada saarayaa soo kabsasahada si aan deg-deg ugu soo laabto”.

Tababare Maurizio Sarri ayaa sababta uga Dhigey Ka Reebitaanka Xidiga Cristiano Ronaldo uga reebay Liiska Tahay in uu Xiddiga Reer Portugal u Baahan yahay in uu Nasto Kadib Markii uu Ciyaaray Dhammaan Kulamadii Xulka Qarankiisa.

Kooxda Juventus ayaa Xaalkeedu Daganeyn Xili Ciyaareedkaan Maadaama Hal Dhibic ay Ku Hogaamineyso  Horyaalka Serie A-da iyaga oo leh 32 Dhibcood 13 Kulan oo ay Ciyaartay Horyaalka Serie A-da.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here