Barcelona Oo Shaqada Ka Cayrisay Tababare Ernesto Valvede

0
378

Kismaayo(Idaacada Waamo) Barcelona Shaqada Ka Cayrisay Tababare Ernesto Valverde Kadib Markii ay Kooxdu Laga Reebay Tartanka Spanish Super Cup oo ay Guuldaro ay Kala Kulmeen Kooxda Atletico Madrid.

Tababare Valverde ayaa Macasalaameeyay Xiddigaha iyo Shaqaalaha Kooxda Kadib Markii ay Kooxdu Ku Wargalisay in aanu Tababare u ahayn Kooxda Wixii Haatan Ka Dambeeyana uu Alaabtiisa Ka Qaato Qolka Labiska ee Kooxda.

Barcelona ayaa Shaqada Ka Cayriso Tababare Valverde Bartamaha Xilli Ciyaareedka Tan ilaa 2003 Markaas oo ay Louis Van Gaal Shaqada Cayriyeen Bartamaha Xilli Ciyaareedkaas Kadib Markii ay 20 Dhibcood Ka Dambeeyeen Kooxda Real Sociedad Kahor inta ayna Xilli Ciyaareedkaas Ku Dhamaysan Kaalinta 6-aad.

Barcelona ayaa  aad u Daalaa Dhacaysay Bilihii ugu Dambeeyay iyada oo Kooxdu ay La Kulantay Guuldarooyin Niyad Jab Leh Taas oo Keentay in ay Maamulka Kooxdu Go’aankan Qaataan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here