Ashley Young Oo Noqday Xiddigii 100-aad Ee Uu Garsoore Mike Dean U Taago Kaadhka Cas

0
641

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man United ee Ashley Young ayaa loo taagay kaadhka cas kadib markii uu qaatay laba kaadh oo digniin ah kulankii ay Man United la ciyaaraysay kooxda Wolves kana tirsanaa horyaalka Premier League.

Garsoore Mike Dean oo hogaaminayay kulanka ayaa Ashley Young u taagay kaadhka cas kadib markii uu laba khalad kala galay

Ashley Young ayaa noqday xiddigii 100-aad ee uu Mike Dean u taago kaadhka cas taariikhda horyaalka premier League tan ilaa markii uu garsooray kulankiisii ugu horeeyay.

Xiddigii ugu horeeyay ee uu garsoore Mike Dean u taagay kaadhka cas ayaa ah Nolberto Solano kaas oo uu kaadhka cas u taagay sanadkii 2001.

Dhanka kale Ashley Young ayaa noqday xiddigii 4-aad ee Man United ah ee uu Mike Dean u taago kaadhka cas kadib xiddigaha Matic, Mata & Rafael.

Waamo Radio ayaa xusaysa in ay kooxda Man United guuldaro kala kulantay kooxda Wolves kulanka iyaga oo uga badiyay 2/1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here