Arsenal Oo Garaacday Napoli Hal Lugna La Gashay Semi-Finalka Tartanka Europa League iyo Kulamadii kale La Ciyaaray

0
427

Kismaayo(Waamo Radio) Kooxda Arsenal ayaa hal lug la gashay Semi-finalka Europa Leageu kadib guul ay ka gaadhay kooxda Napoli kulan ka dhacay Emirates kana tirsanaa lugta 1-aad ee 8 Dhamaadka tartanka Europa League.

Arsenal ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo Napoli ku qaadayay weeraro halis ah waliba ka qaab ciyaareed fiicnaa hadii ay dhan walba oo kulanka ah noqoto.

Napoli ayaa dhankooda qaadayay weeraro rogaal celis ah oo halis ah laakiin waxa ka maqnayd dhamaystirka iyaga oo fursadaha si la yaab leh isaga khasaarinayay ama dhaafin kari la,aan daafaca Arsenal.

Gunners ayaa daqiiqadii 15-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Aaron Ramsey kaas oo hogaanka wakhti hore u dhiibay kooxdiisa.

Napoli ayaa isku dayday in ay ciyaarta ku soo laabato laakiin waxa ay ku dhibaatootay in ay soo taabato shabaqa kooxda Arsenal ee uu ilaalinayay Goolhaye Petr Cech.

Daqiiqadii 25-aad ayay Arsenal mar kale dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu si khaldan isaga dhaliyay daafaca Kalidou Koulibaly kaas oo ay ku dhacday kubad uu laagay xiddiga Lucas Torriera.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Arsenal si qurux badan oo ayna ku dhibaatoon u hogaaminayso kulanka waliba soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed indha qabatin leh iyaga oo doonayay in ay natiijada ciyaarta wax ka badalaan goolal kalena dhaliyaan.

Laakiin waxa ay laabdooduba ku fashilmeen in ay goolal kale ka dhaliyaan ciyaarta inkasta oo ay sameeyeen fursado badan oo cajiib ah waliba qaaday weeraro fiican.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsneal 2/0 ku garaacday Napoli hal lugna la sii gashay Semi-finalka tartanka Europa League ka hor inta ayna ciyaarin lugta 2-aad ee tartank.

Waxaa Sidoo kale La Ciyaaray Kulamo Kale Oo Ka Mid ah Koobka Europa League

Banfica 4-2 Eintracht Frankfurt

Chalsea 1-0 Slavia Prague

Valencia 3-1 Villareal 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here