Antoine Griezmann Soo Doortay 4-tiisa Halyeey Ee Ugu Fiican Dunida

0
523

Kismaayo (Waamo Radio)Xiddigii Hore Ee Kooxda Atletico Madrid ee Hadda Garabka Weerarka uga Ciyaara Kooxda Barcelona iyo Xulka Qaranka France ee Antoine Griezmann ayaa doortay Shax Ka Kooban 4-ta Halyeey ee uu u arko Kuwa ugu Fiican Dunida.

Shaxdan Ayaa Waxaey Ka Kooban Tahay Ilaa 4 Xidig oo Leh Goolhaye, Daafac, Khadka Dhexe iyo Weerar  Oo U kala Dhashay 2 France Iyo 2 Spain

Xiddiga ugu Horeeya ayaa ah Goolhayihii xulka ee xulka qaranka France ee Fabien Barthez waxana uu yidhi” Goolhayahaygu waa Fabien Barthez Sababta aan u doortay ayaa ah waa Halyeey Reer France ah Waxana uu ku guulaystay Koobkii Aduunka ee 1998″.

“Daafaca waxa uu udoortay Carles Puyol waxa uu ahaa daafac weyn oo wax walba kusoo bandhigay Koox Iyo Qaranba intii uu ku jiray garoonka kuna guulaystay wax walba”.

“Khadka dhexe waxa uu soo doortay Xavi Waxa uu ahaa Xiddig ku Fiican baaska oo waliba Xooga saari jiray kooxdiisii Barcelona ”.

Ugu Dambeyn Weerarka waxa uu  udoortay Xiddig Ay Isku Dal yihiin Waana Thierry Henry Waxa uu Dhaliyay Goolal badan Kuwo Qaran Iyo Kuwo Kooxeed Waxana uu ahaa Weeraryahan fiican”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here