Alxan layaasha  kismaayo oo sheegay in hadii ay heli lahayeen qalab casri ah ay shaqadooda Hormarin lahaayeen.

0
624
Kismaayo(Waamo Radio)Alxanka Waxa uu ka mid yahay farsamada gacanta oo dhalinyaro badan ay ku shaqeystaan magalada kismayo waxana loo isticmalaa biraha jabay sida ganjeelada gaari dameerka iyo shey kasto bir ka sameysan oo jabay
Hadaba waa kuwan qaar ka mid ah dhalinyarada ka sheqeya Alxanka oo kawaramaya faaidada ey leedahay in qofka dhalinyarada ah uu shaqeysto iyagona inoo sheegay in ay tahay shaqada ay hayaan mid adag waxeyna cod sanayaan in maamulka jubbaland uu garab istaago
ugu dambeen dhalinyaradan ayaa waxa ay baaq u dirayaan dhalinyarada kale ee ku nool deeganada jubbaland in ay dalkooda aaminaan figrada hal abuur ganacsi ama farsmoyinka gacanta la imaadaan si ay bulshada iyo naftodaba ugu faaideyaan iyagona dhalinyarada kale ee haantan ku shaqeysta farsamada gacanta ugu baaqay in ay baraan dhalinyarada kale aan lahayn wax xir fada.
R/W,Fartuun Nuur Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here