Ajax Oo Iska Xaadirisay Wareegga 4-da Champion-ka ,

0
449

Kismaayo(Waamo Radio) Juventus iyo Ajax ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac min hal gool ah , waxa ayna labada koox wada ciyaarayeen lugta labaad ee wareegga 8-da Champion-ka xilli kulankii hore ay ku soo kala baxeen min hal gool .

Juve ayaa dar dar wacan ku biloowday ciyaarta waxa ayna ciyaareysay kubad deg degsiimo leh xilli Ajax ay ka muuqaty kalsooni waxa ayna ciyaarayeen kubad daafaceedu wacan yahay .
Kooxda reer Holland waxaa daqiiqaddii 12-aad dhaawac looga saaray Mazraoui waxa ayna kooxdaas reer Ajax ku tiirsanaayeen kubadah ku dhisan baasaska dhaadheerka.

Marka guud ahaan la eego hanaanka ciyaarta waxa ay aheyd mid u furan labada dhinac waa ayna isku dayayeen in shabaqa booqdaan , waxaan goolka ku horeysay Juve oo Ronaldo ayaa madaxa ku dhaliyay daqiiqaddii 28-aad iyadoo dood dheer ka dib goolkaas la ansaxiyay ka dib markii uu garsooraha maciin biday VAR.

Ajax niyad jab kama aysan qaadin waxa ayna isku dayayeen in ay weerar tagaan inkastoo kubadda ay ku badneyd Juventus kuwaasi oo heerka kubad haysashaooda ay gaaray 53% , waxaana lagu nastay min halkaas gool.

Biloowgii soo laabashada ,labada koox dar dar ayay ku bilaaabeen xilli Ajax ay dhisayaeen kubado weerar oo cajiib ah waxaana xusid mudan in Juve iyo Ajax laga filan karay gool xilli daqiiqadii 52-aad Ajax ku sigteen gool balse waxaa ka bad-baadiyay goolhayaha inkastoo calanka offsside-ka la taagay .

Ajax ayaa aad ugu dhaweyd gool labaad oo waxa ayna ciyaarayeen kubad deg deg ah oo aad u qurxoon waa ayna halis gilinayeen Juve halka daqiiqaddii 57-aad kubad uu dhexda ka qajafeeyay Van de Beek waxaa si cajiib aheyd koorno ugu saaray goolhayaha Juve.

Juve cadaadis ayaa saarnaa iyaga ayaana u nuglaa gool labaad xilli Juve ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah waxaana daqiiqaddii 63-aad Ajax kubad gool noqon laheyd ka bad baadiyay Pjanic,

Juve waa ku adkeyd kubadda horay u soo jeedaan waxaana saaraanaa weerar adag xilli Ajax daqiiqaddii 67-aad ay heleen gool labaad waxaana si qurux badan laba xiddig Juve uga kor kacay Matthijs de Ligt kaasi oo madaxa ku dhaliyay .

Juve waxa ay isku dayayeen dhamaad xigeenkii in kubadda gaarsiiyaan goosha Ajax balse daafac adag ayay wajahayeen waxa ayna Ajax ku guuleysaneysay in weerar waliba juve soo dhisaan in ay kala jaraan durba waxa ayna daqiiqaddii 73-aad iska qasaariyeen gool sedexaad.

Daqiiqaddii 79-aad Ajax gool ayaa looga diiday Offisde ahaan waxa ayna Juve dhamaadkii dagaal ugu jireen gool basle kooxda reer Holland aad ayay u foojignaayeen  waana loo diiday Juve gool , waxa ayan ciyaarta ku dhamaatay 2/1 oo ay Ajax isaga xaadirisay wareegga 4-da Champion-ka oo ay caawa ku wehliyaan Barcelona

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here