Wasaaradda Warfaafinta XFS oo qabaty Kulan looga hadlayay Ajandayaasha waaxda dalxiiska

0
359

Muqdisho-(Idaacadda Waamo)-Kulan ballaaran oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya loogana hadlayay Ajandayaasha waaxda dalxiiska ee 2020-ka ayaa Xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Waaxda dalxiiska ee Wasaaradda warfaafinta, Farxiyo Samaan Maxamed oo daah-furtay kulanka ayaa sheegtay in uu hiigssigoodu yahay taabba-gelinta Ajendahooda 2020-ka oo ah in ay dejiyaal qorshaha dib loogu howl-gelinayo dalxiiska Soomaaliya.

Marwo; Farxiyo ayaa sheegtay in ay Bil kasta qaban doonaan kulan kan la mid ah oo ay ku soo bandhigayaan waxyaabihii u qabsoomay iyo halka uu yoolkoodu yahay.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, mudane; Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay Soomaaliya tahay Waddanka ugu Xeebta dheer Afrika kuna habboon tahay dalxiiska.

Mudane; Maareeye ayaa intaa raaciyay in ay Soomaaliya leedahay goobo dalxiis oo dabiici ah iyo degaanno aad u qurux badan, kuna badan tahay Duur-joogta, taas oo u baahan in dib loo soo celiyo.

Wuxuu sheegay Wasiirku in dalxiisku uu Laf-dhabar u yahay koboca dhaqaalaha Dalka una baahan yahay in laga faa’iideysto kheyraadka uu Rabbi nagu nagu manneystay.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa goobta lagu soo bandhigay Agab iyo Astaamo muujinaya hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee soo jireenka ah, waxaana halkaasi Suugaan kala duwan kusoo bandhigay Hoballada Waaberi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here