Xiddiga Ugu Fiican Xulka Qaranka England  Sanadkii 2019 oo Lagu Dhawaaqay.

0
440

Kismaayo(Idaacada Waamo) Xiriirka Kubada Cagta Xulk Qaranka England ayaa Ku Dhawaaqay Xidigii Ugu Fiicnaa Sanadkii Dhamaaday ee 2019 Iyada oo La Gudoonsiiyey Xiddiga Khadka Dhexe ee Kooxda Liverpool ee Jordan Henderson Kaas oo Ku Guulaystay Xiddiga ugu Fiican England Sanadkii 2019.

Xiriirka ayaa Bogooda Twiter-ka Ku Xaqiijiyay in uu Xidiga Jordan Henderson uu Ku Guulaystay Xiddiga ugu Fiican England Sanadkii 2019 Kadib Sanad Cajiib ah oo uu Soo Qaatay.

Jordan Henderson ayaa Ku Guulaystay 3 Koob oo Kooxdiisa ah Halka uu Sidoo Kale Xulka Qaranka England 7 Kulan u Ciyaaray Xulka Qarankiisa isaga oo Ka Caawiyay in uu u Soo Baxo Tartanka Euro 2020.

Kabtanka Jordan Henderson ayaa Abaalmarinta Ku Garaacay Xidiga Kooxda Man City ee Raheem Sterling iyo Kabtanka Xulka Qaranka England ee Harry Kane.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here