(SAWIRO) Chelsea Oo Guul Ka Gaartay Burnley Siina Adkeysatay Kaalinteeda 4-aad iyo Kulamadii Kale ee La Ciyaaray.

0
590

Kismaayo(Idaacada Waamo) Kooxda Reer Landan ee Chelsea ayaa Guul Weyn Ka Gaartay Kooxda Burnley Kulan Xiiso Lahaa oo Ka Dhacay Stamford Bridge Kulanka oo Ka Tirsanaa Todobaadkii 22-aad ee Horyaalka Premier League.

Kulanka ayaa Ku Bilowday Si Xamaasad Leh iyada oo Labada Kooxoodba ay isku Soo Qaadayeen Weeraro ay Ku Doonayeen in ay Kala Dhaliyaan Goolal Kulankana ay Wax Ka Badalaan.

Daqiiqadii 18-aad ayay Burnley Dhalisay Goolka 1-aad ee Ciyaarta iyaga oo uu u Dhaliyay Xiddiga Jeff Hendrick Kaas oo Madax Ka Dhaliyay Laakiin Goolkaas ayaa La Diiday Sabab La xiriira Offside.

Chelsea ayaa Dareentay Culeys Mar Hadii ay Burnley Shabaqooda Soo Taabatay Waxaana ay Bilaabeen Sidii ay u Raadin Lahaayeen Goolal ay Hogaanka ugu Qabtaan Ciyaarta.

Daqiiqadii 27-aad ayay Chelsea Dhalisay Goolka 1-aad ee Ciyaarta iyaga oo uu Rikoore u Dhaliyay Xiddiga Jorginho Kaas oo Hogaanka u Dhiibay Kooxdiisa Kana Dhigay Kulanka 1/0.

Daqiiqadii 38-aad Chelsea ayaa Dhalisay Goolka 2-aad Ciyaarta Waxaana u Dhaliyay Xiddiga Tommy Abraham Kaas oo Hogaanka usii Dheereyey Kooxdiisa Kana Dhigay Ciyaara 2/0.

Waxa Sidaas Kusoo Gabagabowday Qeybtii Hore ee Ciyaarta oo ay Chelsea Si Qurux Badan u Hogaaminayso Ciyaarta Hadii ay Noqoto Dhanka Qaab Ciyaareedka iyo Waliba Dhanka Natiijada.

Qaybtii Labaad ee Ciyaarta ayay Chelsea Si Dar-dar Leh Kuso Gashay Ciyaarta iyaga oo Doonayay in ay Sii Dheereystaan Hogaanka Ciyaarta.

Daqiiqadii 49-aad ayay Chelsea Sii Dheeraystay Hogaanka Ciyaarta iyaga uu Goolka u Dhaliyay Xiddiga Callum Hudson Odoi Kaas oo Ciyaarta Ka Dhigay 3/0 ay Blues Ku Hogaaminayso Ciyaarta.

Kooxda Reer Landan ayaa Samaysay Fursado Dhawr ah Sidoo Kale Kooxda Burnley Laakiin Labada Kooxood ayaan Wax Gool ah u Badalin Fursadahaas.

Waxana Sidaas Ku Dhamaatay Ciyaarta oo ay Chelsea Ku Gaaray Guul Cajiib ah Kuna Sii Adkeysatay Kaalinta 4-aad ee ay Ku Jirto.

Kulamadii Kale ee La Ciyaaray Waxaa Ka Mid ah .

Crystal Palace 1 – 1 Arsenal

Everton1 – 0 Brighton & Hove AlbionImage

Leicester City 1 – 2 Southampton
Image
Manchester United 4 – 0 Norwich City

Wolverhampton Wanderers 1 – 1 Newcastle United
Image
Tottenham Hotspur 0 – 1 Liverpool

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here