Real Madrid Oo Guul Ka Gaartay Valencia Iskana Xaadirisay Finalka Supercopa.

0
361

Kismaayo(Idaacada Waamo) Kooxda Real Madrid ayaa iska Xaadirisay Finalka Supercopa Dalka Spain Kadib Markii ay Guuldaro Badeen Kooxda Valencia Kulanka oo Ka Dhacay Dalka Saudi Arabia.

Real Madrid ayaa Kulanka kusoo Gashay iyaga oo uu Ka Maqan yahay Gool Dhaliyahooda Xilli Ciyaareedkan ee Karim Benzema Xilli Si Weyn Looga Shaki Qabay awooda ay Guul Kaga Gaari Karto Valencia.

Ciyaaryahanka Isco ayaa Taageerayaasha Los Blancos ilowsiiyay Maqnaanshaha Weeraryahanka Kooxda ee Karim Benzema isaga oo Soo Bandhigay Qaab Ciyaareed Qurux badan oo aad Loola Dhacay.

Kooxda Real Madrid ayaa si Dar-dar leh Ku Bilaabatay Ciyaarta iyaga oo Ciyaarta Maamulayay Kana awood Badnaa Kooxda Valencia Kuwaas oo Khal-khal Ku Bilowday Ciyaarta.

Real Madrid Ayaa Dhalisay Goolal Is Daba Joog ah Daqiiqadii 15 aad Goolka 1 aad ee Ciyaarta Ayey La Timid Waxaana u Dhaliyey Xidiga Toni Kroos Kaas oo Koorne Toos ah Gool-ka Dhaliyay Hogaankana u Dhiibay Kooxdiisa.

Los Blancos ayaa Daqiiqadii 39 aad Dhaliyay Goolka 2 aad ee Ciyaarta iyaga oo uu uga Mahadcelinaayo Xiddiga Isco Kaas oo Qaab Ciyaareedkiisii Cajiibka ahaa Gool Ku Dhaliyay.

Waxa Sidaas Kusoo Dhamaatay Qeybtii Hore ee Ciyaarta oo ay Real Madrid Soo Bandhigtay Qaab Ciyaareedkii ugu Fiicnaa ee Kooxda Real Madrid ee Xilli Ciyaareedkan Waliba ay Ku Dhalin Kartay Goolal intaas Ka Badan.

Qaybtii Labaad ee Ciyaarta Real Ku Bilaabatay Si Fiican iyaga oo Doonayay in ay Dhaliyaan Goolal intaa Ka Badan Xilli ay Samaynayeen Fursado Cajiib ah.

Daqiiqadii 65-aad ayay Real Madrid Dhalisay Goolkii 3-aad ee Ciyaarta iyada oo uu u Dhaliyay Xiddiga Khadka Dhexe ee Luka Modric Kaas oo Ciyaarta Ka Dhigay 3/0 ay Real Ku Hogaaminayso  Ciyaarta.

Valencia ayaa Daqiiqadii 92-aad Heshay Gool sharafeedka Kooxda Kadib Markii ay VAR Rikoore u Dhigtay iyaga oo uu Gool u Badalay Xiddiga Dani Parejo Kaas oo Ciyaarta Ka Dhigay 3/1.

Waxaana Sidaas Ku Dhamaatay Ciyaarta oo ay Los Blancos Gaaray Finalka Tartanka Supercopa iyaag oo Midkood La Ciyaari Doona Barcelona ama Atletico Madrid.Image

ImageImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here