Cristiano Ronaldo Oo Gaaray Rikoor Cajiib Ah Oo Uu Hore U Dhigay Alexis Sanchez

0
352

Kismaayo(Idaacada Waamo) Cristiano Ronaldo ayaa Barbareeyay Rikoor Cajiib ah oo uu Hore u Dhigay Xiddiga Reer Chile Super Alexis Sanchez Kulankii ay Juventus 4-0 Ku Garaacday Kooxda Cagliari.

Ronaldo ayaa Seddexleey Dhaliyay Kulankaas isagoo Noqday Xidigii Labaad ee Seddexleey Ka Dhaliyay Serie A, La Liga iyo Premier League Qarnigaan Kadib Alexis Sanchez.

Xiddiga Kooxda Juventus ayaa Seddexleyda Dhaliyay Qeybtii Dambe ee Ciyaarta isagoo Hogaanka u Dhiibay Kooxdiisa Juventus Daqiiqadii 49 aad Ka hor inta uusan Gool Rigoore ah ugu Labeynin.Image

G Higuain ayaa Goolka Seddexaad u Saxiixay Juventus Daqiiqadii 81aad Kahor inta uusan Ronaldo Dhameystirin Seddexleydiisa Daqiiqadii 82 aad .

C.Ronaldo ayaa Seddexleeydiisii ugu Horeysay Ka Dhaliyay Horyaalka Serie A Dalka Talyaaniga Taas oo ay Ka Dhigan Tahay inuu Noqday Ciyaaryahankii Labaad ee Seddexleey Ka Dhaliya La Liga, Premier League iyo Serie A.

Alexis Sanchez ayaa Rikoorkaan Hore u Dhigay isagoo Seddexleey u Dhaliyay Kooxda Talyaaniga ee Udinese Kahor inta uusan La Liga Ka Dhalinin Markii uu Joogay Barcelona iyo Seddexleey uu Ka Dhaliyay Premier League Kadib Markii uu Joogay Arsenal.

Sidoo kale waa Seddexleydii ugu Horeysay ee uu Cristiano Ronaldo Ka Dhaliyo Horyaal Tan iyo 18kii Bishii Maarso 2018 Markaasoo uu afar Gool Dhaliyay Kulan ay Real Madrid 6-3 Kaga Badisay Girona FC.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here