David Moyes Oo Loo Magacaabay Tababaha Cusub ee Kooxda West Ham United

0
505

Kismaayo(Idaacada Waamo)  Kooxda West Ham United ayaa Tababare u Magacowday Macallinkii hore ee Manchester United iyo Everton, David Moyes oo 55 jir ah.

Tababare David Moyes ayaa Qalinka Ku Duugay Heshiis 18 Bilood ah oo uu West Ham United Ku Hoggaamin Doono, Waxa uu Kulanka ugu Horreeya Hogaamin Doona Ciyaarta Sannadka Cusub ee ay La Ciyaari Doonaan Kooxda Bournemouth uu soo Fariisan Doono Kursiga Maamulka.

David Moyes ayaa Markiisii Labaad Hogaamin Doono West Ham , Moyes ayaa Waxa uu Xilka Kala Wareegay Tababare  Manuel Pellegrini oo Sabtidii Shaqada Laga Ceeriyey Kaddib Markii Natiijooyin Xun Xun uu Ku Hogaamiyey Kooxda Xili Ciyaareedkan,

Hase yeeshee Moyes ayaa Sannadkii 2017-kii sidaan oo Kale Tababare ugu Noqday Kooxda West Ham Kana Badbaadiyey inay Dib ugu Laabato Horyaalka Heerka Labaad ee Dalka England , Waxaana Mar Kale Laga Filayaa inuu Kooxda Dib Usoo Dhisi Halka ay Hadda Taagan Tahay Kasoo Kaxeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here