Cristiano Ronaldo oo Ku Guuleystay Xiddiga Ugu Fiican Aduunka Sanadka 2019 Ee Abaalmarinta Globe Soccer Awards.

0
408

Kismaayo(Idaacada Waamo) Xiddiga Xulka Portugal Iyo Kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa Ku Guulaystay Xiddiga ugu Fiican aduunka Sanadka 2019 ee Abaalmarinta Globe Soccer Awards Taas oo Lagu Bixinaayey Magaalada Dubai.

Ronaldo ayaa Sanadka 2019 Soo Qaatay Sanad Ciyaareed Qurux Badan isaga oo Ku Guulaystay 3 Koob oo Kala Duwan  isaga oo Xulkiisa Portugalkiisa Ku Hogaamiyey 1 Koob  Sidoo Kale Kooxdiisa Juventus Ayuu Kula Guulaystay 2 Koob.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa abaalmarinta Ku Garaacay Xiddigaha Lionel Messi, Mo Salah iyo Van Dijk Kuwaas oo Kula Tartamayay abaalamrinta Sanadkan.

Cristiano Ronaldo ayaa abaalmarinta Ku Guulaystay Markiisii 5-aad ee Waayihiisa Ciyaareed Kadib Markii uu Horay ugu Soo Guulaystay Sanadadii 2011, 2016, 2017 iyo 2018.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here