Wasaaradda Cadaaladda Jubbaland oo qabatay tababar ku saabsan qorista sharciyada iyo siyaasadda Jubbaland

0
350

Kismaayo(Idaacada Waamo)Wasaarada cadaalada garsoorka iyo arimaha diinta Jubbaland ayaa qabatay tababar ku saabsanaa qorista sharciga iyo siyaasada Jubbaland,waxaana kullanka ka soo qeyb galay Xeer ilaaliyaha guud Jubbaland,Qaar ka mid ah Xildhibaanada Jubbaland iyo maamulka gobalka Jubada hoose.

Agaasimaha arimaha gobalka Jubada hoose Jaamac Ugaas oo ugu horeyn kullanka ka hadlay ayaa sharaxay muhiimada tababarkaan.

Agaasimaha wasaarada Cadaalada arimaha diinta Jubbaland Badal Cabdi Jaamac ayaa dhankiisa u mahad celiyay mas,uuliyiinta ka qeyb gashay kullanka.
Xildhibaan Shugri Saalax oo ka socday Baarlamaanka dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa dhankiisa sharaxay habka loo marayo daadajinta sharciga.
Ugu dambeyn xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sharaxaad dheer ka bixiyay habka ugu haboon ee loo qoro sharciga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here