Cristiano Ronaldo Oo Dhigay Rikoor Uusan Xiddig Kale Ka Dhigin 5-ta Horyaal Ee Ugu Waaweyn Yurub.

0
344

Kismaayo(Idaacada Waamo) Xidiga Kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa Dhaliyay 2 Gool oo Ku Dhigay Rikoor Cusub Xilli uu Kooxda Juventus Ka Caawiyay in ay 3/1 uga Badiso Kooxda Udinese Kulanka oo Ka Tirsanaa Horyaalka Serie A-da.

Cristiano Ronaldo ayaa 5 Gool Dhaliyay 4-tii Kulan ee ugu Dambeeyay ayaa Goolashiisa Kor ugu Qaaday 11 Gool 19 Kulan oo uu Ciyaaray Tartamada oo Dhan Xilli Ciyaareedkan.

Ronaldo ayaa Sidaas Ku Noqday Xiddigii ugu Horeeyay ee Dhaliyay 10 Gool iyo Wax ka Badan 15-kii xilli Ciyaareed ee ugu Dambeeyay.

Xidiga Reer Portugal ayaa Rikoorkan Cajiibka ah Soo Bilaabay Xilli Ciyaareedkii 2005/2006. Xilli  Ciyaareedkii ugu Goolasha Badnaa ayaa ah 2014/2015 Markaas oo uu Xilli Ciyaareed Dhamaystiran Ku Dhaliyay 61 gool.

Kooxda Juventus Ayaa Kulanka Ku Badisay 3-1 oo ay Ku Garaaceen Kooxda Udinese ,Juventus Ayaa Goolasha Ugu Mahadcelineyso Xidigaha Cr7 oo Labo Gool Dhaliyey Iyo Gool uu Dhaliyey Bonucci.

Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here