RASMI: Kooxaha U Soo Baxay Wareega 16-Ka Champions League

0
381

Kismaayo(Idaacada Waamo) Waxa si Rasmi ah Loosoo Gabagabeeyey Wareega Group-yada Tartanka yurub ee Champions League Xilli Ciyaareedkan iyada oo ay 16 Kooxood iska Xaadiriyeen Wareega Xiga Siina Wadi Doonaan Ciyaarista Tartanka Champions League.

Waxyaabihii Lama Filaanka ahaa ee Laga Bartay Wareega Group-yada Tartanka Champions League ayaa ah Ka Haristii Kooxda Reer Italy ee Inter Milan Kuwaas oo Guuldaro Kala Kulmay Kooxda Reer Spain ee Barcelona.

Kooxaha Real Madrid, Atletico Madrid, Juventus, Man City, Atalanta Iyo Bayern Munich ayaa dhamaantood guulo ku soo xidhay wareega Group-yada tartanka champions League.

Kooxda Atalanta ayaa si Lama Filaan ah ugu Soo Baxday Tartanka inkasta oo Laga Badiyay 3-dii Kulan ee ugu Horeesay Tartanka kaliya 2 kulan ayey Guul Gaartay 6-dii Kulan ee ay ciyaartay mid kalena bar-baro gashay.

Waxa Haatan Tartanka isugu Soo Haray 16 Kooxood Kuwaas oo Isniinta Sugi Doona Kooxaha ay La Ciyaari Doonaan.

Hadaba Halkan Kaga Bogo 16-Ka Kooxood ee u Soo Baxay Wareega Xiga 

Kaalinta 1 aad /-/ Kaalinta 2 aad

PARIS            /    REAL MADRID
BAYERN M      /      TOTTENHAM H
MAN CITY      /      ATALANTA 
JUVENTUS    / ATLETICO MADRID
LIVERPOOL  / SSC NAPOLI
BARCELONA /  B DORTMUNT
LEIPZIG      /  LYON
VALENCIA   /  CHELSEA

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here