Maamulka Magaalada Baydhabo oo Awaamiir soo saarey

0
379

Kismaayo(Idaacada Waamo)Maamulka Magaalada Baydhabo oo Awaamiir soo saarey
Guddoomiyaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay Xasan Macalin Axmed Biikole ayaa sheegay in marnaba aysan suurtagal aheyn in dadka Reer Baydhabo kaliya howlaha Amniga iyo dhinaca nadaafada ay maamulkaka sugaan.
Waxaa uu sheegay Ganacsiyada gaarka loo leeyahay qaar ay qeyb ka leeyihiin nadaafad darrada ka jirta Magaalada,waxaana uu sheegay in qashinka ay si ula kac ah laamiga ugu shubaan.
Shacabka Magaalada Baydhabo ayuu ugu baaqay inay joojiyaan Goobaha qaar oo ay qashinka ku shubayaan,waxaana uu sidoo kale uu ku amray inay wadooyinka qaar iyo qof walba Gurigiisa hortiisa uu ku xiro nal si uu amniga uga qeyb qaato.
Guddoomiye Waaxeedyada Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Baydhabo ayuu ku amray inay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo ka hortimaada Amarka Maamulka Magaalada Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here