Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

0
386

Kismaayo(Idaacada Waamo) Suuqa Kala iibsiga ayaan Haatan Xiran iyada oo ayna Kooxuhu Lasoo Saxiixan Karin Wax Xiddig ah.

Wakiilka Xiddiga Barcelona ee Ousmane Dembele ayaa La Kulmay Kooxaha Chelsea iyo Man City si uu ugala Hadlo Suurtagalnimada Xiddigu ugu Soo Dhaqaaqi Doono Premier League (El Desmarque).

Da,yarka  Erling Haaland ayaa La ogaaday in Lagu Heli Karo Lacag Dhan 17 Milyan oo euro oo Lagu Bur-burin Karo Heshiiskiisa (Bild).

Kooxda Bayern Munich ayaan tababare ka dhigan doonin tababarihii hore ee kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino (Bild).

Xiddiga Khadka Dhexe  kooxda Ajax ee Donny van de Beek ayaa koox walba oo yurub ah ka dooran doona ku biirista Real Madrid xagaaga (De Telegraaf).

Tababaraha Pep Guardiola ayaa Caawiye Ka Dhigan Doona Domenec Torrent Hadii uu Mikel Arteta Ka Tago Kooxda Kuna Biiro Kooxdiisii Hore ee Arsenal (Sun).

Chelsea ayaa Wada Hadal Kula Jirta Xiddiga Khadka Dhexe ee Wilfried Zaha Kaas oo ay Ka Doonayaan Saxiixa  (Independent).

Dhanka Kale Kooxda Chelsea ayaa isku Diyaarinaysa in ay Suuqa January u Dhaqaaqdo Saxiixa Xiddiga Daafaca Bidix uga Ciyaara Kooxda Leicester City ee Ben Chilwell (Express).

Kooxda Barcelona ayaa Lagu Soo Waramayaa in ay isku Diyaarinayso in ay 100 Milyan iyo Waliba Labada Xiddig ee Ousmane Dembele & Antoine Griezmann Si ay u Helaan Saxiixa Xiddiga Kylian Mbappe (El Chiringuito).

Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa Go’aansaday in uu iska iibiyo Xiddiga khadka Dhexe ee France Paul Pogba Marka La Gaaro Suuqa January (Express).

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here