Wasaaradda Cadaalada Garsoorka iyo Arimha Diinta  Jubbaland oo Kormeertay Qaybo kamid ah Goobaha lagu barto Qur,aanka Kariimka

0
317

Kismaayo(Idaacada Waamo)Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Garsoorka iyo arimaha Diinta  Dowlad Goboledka Jubbaland Maxamed Cumar Yuusuf  iyo masuliyiin kale ayaa kormeeray qaar kamid ah goobaha lagu barto Quraanka Kariimka Ee ku yaala  Magaalada Kismaayo.

Kormeerkan Ayaa ahaa mid loogu kuur galayay  Sida ay u Shaqeeyaan xarumaha Dugsi Qur,aanka iyo in ay ogaadaan  Caqabadaha kajira goobahasi .

Wasiirka ayaa Kormeerka kadib ka warbixiyay qaabka ay ushaqeeyan xarumaha ay tageen iyo Caqabadaha kajira.

Xarumaha lagu barto Diinta waxa ay kamid yihiin meelaha ugu mudnaanta badan in Latago lana ogaado bahiya dhabta ah ee kajira.

R/W,Xamdi Maxamed Yaasiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here