RASMI :- Isku Aadka Copa America Oo La Soo Saaray

0
491

Kismaayo(Idaacada Waamo) Ururka kubadda Cagta Latin America ayaa Sameeyay isku aadka Copa America ee 2020-ka oo Ay Marti Galin Doonaan Wadamada Argentina iyo Colombia .

Tartanka Copa America ee 2020-ka ayaa Bilaabanaya 12-ka June Sanadka Soo Socdo Wuxuuna Dhamaanayaa 12-ka July ee Sanadka Sanadka Soo Socdo ee 2020-ka

Sanadkaan Waxaa Tartanka Ka Qeyb Galaya oo Lagu Marti Qaaday Dalal Aan Kasoo Jeedin Qaarada America  Sida Dalalka ,Qatar iyo Australia , Waxaana Koobkaan Difaacanaya Dalka Brazil iyaga oo Ka Qaaday Dalka Peru

Laba Qeyb ayaa Loo Qeybiyay, Qeybta Waqooyiga Waxa Ku Jira Colombia , Brazil , Qatar , Venezuela, Ecuador iyo Peru , Qeybta Koonfureed Waxaa Ku Jira Argentina , Australia, Bolovia, Uruguay, Chile iyo Paraguay, Waxaana Kulamada Waqooyiga Lagu Qabanayaa Colombia Halka Dhanka Koonfurta Lagu Qabanayo Argentina

Min Afar Wadan ayaa Kasoo Kala Baxaya Labada Group oo u Gudbaya Quarter – Finalka Copa America 2020

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here