RASMI : Lionel Messi Oo Markii 6-aad Ee Taariikhdiisa Ku Guulaystay Abaalmarinta Ballon d’Or-ka 2019

0
390

Kismaayo(Idaacada Waamo)Xiddiga Kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa Markii 6-aad ee Taariikhdiisa Ku Guulaystay Abaalmarinta Xiddiga ugu Fiican aduunka ee Ballon d’Or Kadib Qaab Ciyaareed Cajiib ah oo uu Soo Bandhigay Sanadka.

Lionel Messi ayaa Abaalmarinta Ku Mutaystay Ku Guulaysiga Horyaalka La Liga Dalka Spain oo uu Ku Hogaamiyey Kooxda Barcelona iyo Waliba Tartanka Gool Dhalinta yurub oo uu Ku Guulaystay.

Messi ayaa Abaalmarinta Kaga Guuleystay Xiddigaha Virgil Van Dijk & Cristiano Ronaldo Kuwaas oo Kula Tartamayay Ku Guulaysiga Abaalmarinta.

Xiddiga Reer Argentine ayaa Noqday Xiddiga ugu Guulaysiga Badan Abaalmarintan isaga oo Ku Guulaystay Markii 6-aad ee Taariikhdiisa.

Lionel Messi ayaa Abaalmarinta Ku Guulaystay Sanadihii Hore ee Kala ah ahaa 2009, 2010, 2011, 2012 Iyo 2015.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here