ROIKOOR: Arsenal Oo Boorka Ka Jafatay Rikoor Xun Oo Ay Dhigtay 1994-kii

0
428

Kismaayo(Idaacada Waamo) Arsenal ayaa Wali Dhibaatoonaysa Kadib Markii Shalay Bar-baro ay La Galeen Kooxda Norwich City Kulanka oo Ka Tirsanaa Kulamada 14 aad ee Horyaalka Premier League.

2-da Gool oo Arsenal uu Dhaliyay Xiddiga Weerarka uga Ciyaara Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang Kaas oo Kooxdiisa 2-da Jeerba Ka Badbaadiyay Guuldaro Maadama Labada Goolba Looga Hor Maray Kooxdiisa.

Gunners ayaa Mar Kale Ku Fashilantay in ay Guul Ka Gaaro Horyaalka Premier League iyaga oo Bar-baro La Galay Kooxda Kaalmaha Hoose Ku jirta ee Norwich City.

Kadib Bar-barahaas Kooxda Arsenal ayaa Boorka Ka Jafatay Rikoor Xun oo ay 1994 ka Dhigtay Horyaalka Premie League Kaas oo ah in ay Wax Guul ah Gaari Wayday Premie League Markii ugu Horaysay tan ilaa 1994 Markaas oo uu Hogaaminayay Tababare George Graham.

Inkastoo ay Shaqada ka Cayriyeen Tababare Unai Emery Hadana Arsenal ayaa wali dhibaatoonaysa Iney Kusoo Laabato Wadada Guusha Kadib Markii Ay Kooxda Ka Bixi La’dahay Bar-baro Is Daba Joog Ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here