RIKOOR: Cristiano Ronaldo Rikoor Kale Ka Dhigay Champions League

0
562

Kismaayo(Idaacada Waamo) Xiddiga Weerarka uga Ciyaara Kooxda Juventus ee C Ronaldo ayaa Sii Wada Dhigista Taariikhda Kubada Cagta Kadib Markii uu Rikoor u Dhigay Tartanka Champions League.

Xiddiga Reer Portugal oo Haatanba Rikooro Badan oo Cajiib ah Ka Dhigay Champions League ayaa Mar Kale Diwaan Galiyey Rikoor Kale oo Tartanka Koobka Dhaga weyne yurub ee Champions League.

Cristiano Ronaldo ayaa noqday xiddiga ugu Safashada Badan Taariikhda Tartanka Champions League Kadib Markii uu Ku Bilowday Kulankii ay Kooxdiisu Guusha Ka Gaaray Kooxda Reer Spain ee Atletico Madrid.

CR7 ayaa saftay Kulankii 175-aad ee Tartanka Champions League isaga oo Noqday Xiddiga Kulamada ugu Badan Ka Saftay Tartanka yurub ee Champions League.

Cristiano ayaa Dhaafay Halyeeyga Kooxda Ac Milan ee Paolo Maldini Kaas oo ahaa Xiddiga ugu Safashada Badan Tartanka Champions League isaga oo saftay 174 Kulan.

Halkan Kaga Bogo 3-da xiddig ee ugu Safashada Badan Tartanka Champions League:

1️⃣-Cristiano Ronaldo: 175 Kulan

2️⃣-Paolo Maldini: 174

3️⃣-Xavi: 173

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here